På legimus.se använder vi kakor (cookies) för att webbplatsen ska fungera på ett bra sätt för dig. Läs mer om kakor
Jag Accepterar
  1. Använda Legimus
  2. Appen Legimus
  3. Läsa
  4. Våra medier
  5. Vanliga frågor
  6. Lästips
  7. För bibliotek
  8. Student
  9. Barn och unga
  10. Lättläst
  11. Andra språk
    1. Arabiska / اللغة العربية
    2. Bosanski/hrvatski/srpski
    3. Engelska/English
    4. Farsi/ فارسی
    5. Finska / Suomi
    6. Franska / Français
    7. Jiddisch / אידיש
    8. Lulesamiska / Julevsámegiella
    9. Nordkurdiska / Kurmancî
    10. Nordsamiska / Davvisámegiella
    11. Romani / kelderash
    12. Romani / Arli
    13. Ryska / Русский
    14. Somaliska/Soomaali
    15. Spanska / Español
    16. Sydkurdiska / Sorani
    17. Sydsamiska / Åarjelsaemien
    18. Thailändska/ ภาษาไทย
    19. Tigrinska/ ትግርኛ
    20. Tornedalsfinska / Meänkieli
    21. Tyska / Deutsch
  12. Om webbplatsen
  13. Mina sidor
Sökfilter
Start för innehåll

Somaliska/Soomaali

MTM waxeynu soo saarnaa oo aannu  deyminaa buugaag dadka dhibka ku qaba aqrinta qoraalka daabacan sababtoo ah iyaga oo qaba naafo. Tusaalle waxay taa noqon kartaa.

• dhibaatada aqrinta iyo qoraalka
• aragti hooseysa
• naafo kale ee jir ahaaneed, tusaalle ahaan naafo la xiriirta dhaq dhaqaaqa iyo dhaawac maqalka ah 
• naafo caqliga la xiriirto
• naafo la xiriirta neerfaha iyo nafsiga, sida autism, adhd.
• naafo ku meel gaar ah cudur ama dhaawac dartii.

Dad badan oo afka iswiidhishku u yahay afka labaad waxey doonayaan iney aqristaan buugaag hadal ee iswiidhish iyo afaf kale ah. Balse cidda kaliya ee deynsan karta buugaagta hadalka waa dadka qaba dhibaato la xiriirta qoraalka daabacan sababtuna ay tahay naafo darteed.

Waa maxay buugaagta hadalka?

Waxaa buugaagta hadalka loo soo saaraa iyagoo ka baxsan sharciga xuquuqda asalnimada. Waxa si qaasa buugaagta loogu tala galay dadka dhibka ku qaba aqrinta qoraalka daabacan iyagoo qaba naafo darteed. Qaar ka mida buugaagteena hadalka waxey isugu jiraan hadal iyo qoraal. Buugaagta waxad qoraalka iyo sawirkaba ka arki kartaa shaashada kombuyuutarka ama mobiilka adigoo isla markaana dhegeysanaya.

Deynsashada buugaagta hadalka

Dhamaan maktabadaha Iswiidhen waxa laga deynsadaa buugaagta hadalka. Waxad buugaagta ku deynsaneysaa qaab saxan cd, usha usb-ga ama kaar memoori. Uma baahnid caddeyn ee waxaa kugu filan inaad sheegto uun inaad u baahan tahay buugaagta hadalka. Mar walbana waa lacag la’aan in la deynsado. Weydii shaqaalaha, iyagaa ku caawinayoe.

Soo degsashada buugaagta hadalka

Waxaad buugaagta toos uga soo degsan kartaa kataloogeena dijitaalka ee Legimus. Maktabaddaada ayaa kaa caawin doonto inaad hesho magac isticmaal iyo ereyga sirta ah kuna tusin doonto sida loo sameysto.  

Aqrisashada buugaagta hadalka

Qalab kala duwan ayaad ku aqrisan kartaa buugaagta hadalka: naastaro qaasa ee buugaagta hadalka, kombuyuutarka, telefoonka mobiilka ama kombuyuutarka saxanka ayaad ku aqrisan kartaa.

Si aad ugu aqrisato telefoonka mobiilka ama kombuyuutarka saxanka waxad isticmaaleysaa app-keena, la yiraahdo Legimus. Waana lacag la’aan. Waxaad ku geleysaa app-ka akoonka aad ka sameysatay maktabadda.

Buugaagta qoraalka dhibcaha

Waxan kaloon dadka deymin karnaa bugaagta qoraalka dhibcaha oo ku qoran dhowr af. Nala soo xiriir si aad u noqoto deynsade qoraalka dhibacaha ah.

Waa kuwee buugaagta jirta ee la deysan karo?

Legimus ayaad ka arki kartaa buugaagta hadal iyo kuwa qoraal dhibco ee jira ee la deynsan karo. Waxad haddana halkan ka heleysaa buugaag noocyada kale ah. Waxan kaloon kaa caawin karnaa inaad deynsato buugaagta wadamada kale.

Legimus waxaad ka heleysaa www.legimus.se

Texten so pdf

 

Telefontider idag

Svarstjänsten

StängtTel 040-653 27 10E-post: info@mtm.se

Punktskrifts- och prenumerationsservice

Stängt040-653 27 20E-post: punktskrift@mtm.se
Senast ändrad: 2018-02-22 | Legimus